Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

saraakiishii imaaraadka ee tababari jirey ciidamad badda puntland oo lagu xanibey garoon boosaaso

Garoonka Diyaaradaha ee  Boosaso Waxaa Saacado ku Xanibnaa Diyaaradan oo la sheegay iney Leedahay Dowladda Imaaraadka, Taas oo Saraakiisheedi Ka la Baxaysay Deegaanada Puntland.

Dowladdu Arintaan, Ma faah faahin laakiin Garoonka diyaaradaha oon Joogay Ayaa aad looga hadal hayay Baaritaankii dadweynaha oo La Mariyay Saraakiisha Imaaraadka ah.

Dhinaca Kale waxaa la hadal Hayay In Imaaraadku Ka Guurayo Saldhigiisa Boosaso, Islamarkaana Laga Horjoogsaday iney la Baxaan Saanadooda Ciidan

Si kastaba Diyaaradan oo  Lagu Xayiray Garoonka Diyaaradaha Bosaaso ayaa Lafasaxay kadib markii ay Ogolaadeen Inlabaaadho Waxa ku jira Boosoosyinkii ay wateen Saaraakiisha Imaaraadku Oo Markii Hore ay diideen.

Puntland ayaa kamid ahayd meelaha Imeelaha uu ciidamada u tababari jiray Imaaraadka, Waxaana Arintan kusoo beegmaysaa kadib markii ay kala durkeen Dawladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabtu.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *