Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Sawirro: Dagaal Puntland iyo Soomaliland ku dhexmaray Hadaftimo, Gaadhigii Gudoomiyaha ee la Qabtay

Dagaal ayaa magaalada Hadaftimo oo dhinaca galbeed ka xigta maggaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ku dhex maray ciidamo ka tirsan Somaliland iyo Puntland.

Dagaalka ayaa ka bilaabmay kaddib markii guddoomiyaha cusub ee Badhan ay Somaliland usoo magacowday uu gaadhay deegaankaasi.

Ciidammada Puntland ee ku sugan Hadaaftimo ayaana weerar ku qaaday, Waxaana dagaalka ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho  iyo Dhaawac sida ay sheegeen dadka deegaanku.

“Puntland ayaa qabsatay baabuurkii Badhasaabka Badhan ee Somaliland Maxamuud Xaamud kadib dagaal  ka dhacay Hadaftimo, Inta la xaqiijiyey Laba askari oo laba dhinac ah ayaa dagaalkan ku geeryooday waxaana ku dhaawacmay saddex kale. “

Gaadhigii Gudoomiyaha Badhan ee Soomaaliland ayaa lasoo bandhigay Isagoo dhex yaalla magaalada  Hadaftimo, kadib markii taayirada xabad looga qarxiyay.

Dhinaca kale Ciidamadii Somaliland ee ku sugnaa deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa lagu soo Waramayaa inay usoo Ruqaan sadeen dhinaca Hadaftamo oo maanta uu dagaalku ka dhacay.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *