Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

SAWIRRO: Dawladda oo Qaramaysay Ciidankii ku sugnaa Xudur iyo Khayre oo Booqday

Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa maanta Booqasho ugu tagay Ciidamo la Qarameynayo, Islamarkaana  loo diyaarinayo Xoreynta deegaannada argagixisadu kaga sugan yihiin Gobolka Bakool.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe Xooga saartay  Tababarka Ciidanka, Taakulayntooda iyadoo loo samaynayo  Tirakoob Rasmiga ah,  Waxaana  horay Dawladdu u diiwaan gelisay  Ciidamo badan oo ku sugnaa gobolada dalka.

Raysal wasaare khayre ayaa dhowaan la wareegay Ciidamadii Ahlusunah iyo Ciidamo Beeleedyo kale oo  ku sugnaa deegaanada Galmudug, waxaana si xowli ah ku socota  dhismaha Ciidamada Qalabka Sida oo ah Lafdhabarta Dawlad ay ku Faani karto.

Kalshaale

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *