Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

SAWIRRO: Madaxwaynaha Kenya oo Danjire Maxamuud Tarsan Waraaqaha Ka gudoomay iyo Waxa laga filanayo

 Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa u magacawday Duqii hore ee magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) in uu noqdo safiirka cusub ee dowlada Soomaaliya u fadhinaya dalka Kenya.
Danjire  Tarsan ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii ganacsi xor ah uu u dhexmari lahaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Kenya, isagoo inta ku daray in dalka Kenya uu yahay midka ugu muhiim oo xiriir wanagsan ay la yeelato Soomaaliya.
Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa maanta waxaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga uga guddoomay madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, waxa uu ka mid ahaa safiirka Soomaaliya ilaa 17 danjire oo madaxweynaha Kenya uu waraaqaha aqoonsiga maanta ka guddoomay.
” Runtii waxaan la kulmay safaarad wanagsan nadiif ah oo qurxoon  , ma fileyn inay sida ahaato safaaradda..  Cali Bagadi iyo mas’uuliyiinta kale ee gacanta ku hayay aad ayaan uga mahadcelinaya.” ayuu yiri Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
” Calaqaadka Kenya iyo Soomaaliya waa mid aan rabno inuu aad u xooggeysto,sababto ah markaad fiirisid xaaladda hadda dadka Soomaalida ah ee jooga Kenya dhaqaalaha ay ku heystaan, markaad fiirisid xaduudka naga dhaxeeya oo Shabaab ka ugaarsato dadka, markaad fiirisid dhaqaalo ahaan iyo bulsho ahaanba, waxay ila tahay aragtideyda inuusan jirin waddan Kenya nooga muhiimsan haddii ay jirtana uu yaryahay.” 
Safiirka, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in siyaasada madaxweyne Farmaajo ee ku aaddan dowladaha dariska ah oo ay Kenya ka mid tahay inay tahay inaysan wax shaqaaqo ah ka dhicin, ‘Kenyana kuma sii jirto waa waddan intaas oo Soomaali ah ay ku noolyihiin ganacsi badana ay ku leeyihiin” ayuu yiri.
Danjire Tarsan, ayaa sidoo kale sheegay in aragtidiisa ay tahay oo ay ka go’antahay in la dhiso safaaraddii Soomaaliya iyo dhulka ay ku leedahay magaalada Nairobi, isagoo bulshada Soomaaliyeed iyo ganacsatada ugu baaqay inay ka qaybqaadato dhismaha safaaradda, si loo helo safaarad iyo dhul ay leedahay Soomaaliya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *