Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

SAWIRRO: Saraakiishii iyo Ciidankii ka baxay Somaliland oo Lasoo Bandhigay

Gudoomiyaha Gollaha wakiiladda Puntland Cabdixakiin maxamed axmed (Dhoobo Daareed )  oo hogaaminaya wafdi balaadhan oo ka socda Maamulka Puntland oo ka kooban Wasiiro, Xildhibaano iyo Talliyaal ciidan ayaa kulamo kala duwan ka wada Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag.

Dhinaca kale Wafdiga Gudoomiya ayaa  deegaanka Bali-busle kusoo dhaweeyay Talliyayaashii Ciidamada maamulka Somaliland ugu magacawnaa gobolka Sanaag oo dhawaan xilalkaasi iska casilay kuwaasi oo hogaaminayay Ciidan badan iyo gaadiid dagaal.

Waxaa isaguna xilkii uu ka hayey Somaliland iska casilay Gudoomiyihii ugu magacownaa magaalada Badhan,  Waxaana sidoo kale Bulshada deegaanku Maalmihii lasoo dhaafay ay sameeyeen Kacdoono ay uga soo Horjeedaan Somaliland, Taasi oo ka dambaysay markii Ciidamo kala duwan oo ka socda Somaliland ay fadhiisimo ka samaysteen Deegaanka Yubbe, Sidoo kale uu dagaal ka dhacay deegaanka Damala-xagare, Iyadoona  Qorshaha xigay uu ahaa inay Qabtaan magaalada Badhan.

Talaayaashii ciidamada 93aad iyo 91aad / Xuseen Dheere iyo Xayle Xaaji

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *