Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Sawirro: Shir Lagu soo bandhigayey natiijadii ka dhalatay Tirokoobka shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Puntland oo Garoowe lagu qabtay

Barnaamijka hubinta iyo tirokoobka shaqaalaha dawladda Puntland( HR Audit)  oo saconayey muddo afar bilood ah islamarkaana lagasoo sameeyey dhammaan shaqaalaha rayidka ah ee dawladda ee ku kala sugan sagaalka gobol ee Puntland ayaa manta natiijadiisii lagusoo bandhigay Xarunta WasaaraddaShaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland.

Shirkaayaawaxaakasooqaybgalay  WasiirkaShaqadaiyoshaqaalaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan SheekhAxmed, ku-xigeenkiisa Mudane Cabdirisaaq Ismaaciil, Agaasimahaguud ee MadaxtooyadaMudane Cabdinaasir Biixi Soofe, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha  Mudane Axmed Cabdalle Tigaana, guddoomiyaha Hanti-dhawrkaguud, Xog-hayaha guud ee Baarlamaanka, agaasime waaxeeddo, Madaxqaybeeddo, xubno kasocdey xiriirka Mashruuca CIP ee PCU iyo khuburo caalami ah oometelayey Baankaadduunka

Shirka ayaa waxaa diiradda lagusaarayey soo bandhigida waxyaabihii u qabsoomayguddiga tirokoobka shaqaalaha rayidka eh dawladda ooiyagu shaqadaan wakiil  ugaahaadalwadda  Puntland, caqabadihii ay la kulmeen iyo guulihii ay gaareen iyagoona soo bandhigay   kudhowaad 6,000 (Lix-kun) oo shaqaale ah oo si rasmi ah loo soo xaqiijiyey loona soodiiwaangeliyey.

Barni Ciise oo ah Agaasimaha Waaxda shaqada iyo shaqlaaaha islamarkaana ahayd guddoomiyaha guddiga tirokoobka shaqaalaha dawladda ayaa ka war bixisay goobihii ay gaareen, caqabadihi ay la kulmeen iyo guulihii ay gaareen iyadoona hoosta ka xarriiqday in ay gaadheen giishii ay u socdeen oo ahayd in ay soo hubiyaan soona xaqiijiyaan dhammaan shaqaalaha rasmiga ah eedawladda Puntland.

Agaasimaha guudee Wasaaradda Shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha Mudane Axmed Cabdalle Tigaana oo isaguna hadal kajeediyey goobta ayaa xusay inay marwalb asi dhow   ula socdeen guddiga xaaladdooda islamarkaana ay dedaal xooggan  kubixinayeen sidii ay guddigaani u gaari lahaayeen natiijo wanaagsan.

Agaasimaha guudee Madaxtooyada Mudane Cabdinaasir Biixi Soofe ayaa tilmaamay maanta in ay tahay maalin kuweyn Puntland  oo ay  dawladda iyoshacabkeedu wadasugayeen natiijada wanaagsan ee kasoo baxday barnaamijka Hubinta iyo tirokoobka shaqaalaha dawladda taasoo ka  mid ah tiirarkii uu madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali u ballanqaaday shacabkiisa in uu tirokoob iyo tayayn rasmi ah kusamayn doono shaqaalaha dawladda markii uu la wareegey hoggaanka Puntland.

Ugudambayn, Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo shirka furay ayaa kudheeraaday muhiimadda uu barnaamijkaani u leeyahay shaqaalaha rayidka ah ee dawladda iyo  dedaalladii  ay dawladdu u gashay tayaynta iyo xaqiijinta shaqaalaha dawladda ayaa caddeeyey laga bilaabo maanta in shaqaalah arayidka ah ee dawladdu uu suganyahay islamarkaana uu qof waliba manta haysto aqoonsi danabaysan  (Electronic ID ) kaas oo caddaynaya shaqaaluhu qofka uu yahay, meesha uu ka shaqeeyo iyo shaqada rasmiga ah ee uu dawladda u hayo islamarkaana uu shaqaaluhu kuqaadan doono   xuquuqaadkiisa Mushahaariga ah.

 

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *