Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Sawirro: Wasiirka warfaafinta oo booqday Garoonka Diyaaradaha Garowe oo gabogabo maraya

15 Nov 2017 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Boostada iyo Hiddaha Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iy Tacliinta Sare Yaasiin Cabdi Seed iyo Abshir Yamani oo ka mid Jaaliyadda Puntland dalka Sweden ayaa maanta booqday Dhismaha Garoonka diyaaraha Caasimadda Puntland ee Garowe heer gebo gebo ah maraya.

Waftiga Wasiirka Warfaafinta oo u kuurgaley heerka uu maraya Dhismaha Garoonka ayaa kormeeray qaybtaha uu Garoonka ka kooban yahay oo ay ka mid ahaayeen dhabada diyaaraha, (Runway)ga xarunta diyaaraha laga hago iyo qaybta baabuurta la dhigto.

Mudane Cabdi Xirsi Qarjab Wasiir Warfaafinta ayaa arin lagu farxo ku tilmaamay in Maanta ay joogaan Garoonkii diyaaradaha ee Garowe oo dhamaad ah wuxuuna bulshada Puntland ugu baaqay in ay horumar ka Dalka ka socda ka qayb qaataan.

Puntland waxaa ka socda horumar baaxad leh oo ay ugu mihiimsan tahay dhisidda kaabayaal dhaqaale oo uu dalku yeesho.

Dhamaysirka Garoonka Caasimadda ayaa noqonaya kii labaad oo xukuumadda talada haysa Dalka ka hirgalisey iyadoo dhawaanna Dekadda Bossaso lagu wareejiyey shirkaddii balaarin lahayd.

Daawo sawirrada
1

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *