Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Senator Mashruuc oo si adag uga Horyimid Go’aankii Puntand ay ku mamnuucday xafiisyada —

Senator Maxamuud Mashruuc oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya,  Islamarkaana kasoo jeeda deegaanada  Puntland, ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aan ay soo saartay Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland oo ay ku joojisay in Xildhibaanada Golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalku aysan wax xafiis siyaasadeed ah ka furan karin gudaha Puntland, gaar ahaan deegaanadii laga soo doortay.

Xildhibaan Mashruuc ayaa sheegay go’aankan inuu ka hor imaanayo dastuurka Dowladda Federaalka Soomaliya qodobkiisa 61-aad farqadiisa 2-aad oo cadaynaya waajibaadka iyo matalaada xildhibaanada.

“Kala duwanaashaha fikirka nooca doorashada dalka ka dhici doonta 2020 ama in mudanahu ka fikir siyaasad duwan yahay xukuumadda Puntland looma adeegsan karo is hor taagga xuquuda matalaadda xubnaha Baarlamaanka Federalka Soomaaliya iyo deegaan doorashadooda,” ayuu yidhi Mashruuc.

Maxamed ayaa kula-taliyay xukuumadda Puntland inay ka fogaato wax kasta oo dhaawici kara midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *