Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shaqa joojin ka dhacday magaalada bosaso

Dadka ka ganacsada adeegyda suuqa ee ay ku xiran tahay baahida qoysasaka ee  kala duwan ee suuqyada magaalada Boosaaso ayaa maanta goobahoodii ganacsi aan furin  saaray meheradihii ay  ku gacanacsan jireen gudaha suuqa.

Ganacsatada badan iyo dadweyne taageera ayaa sidii magaalada Garoowe  u soo baxay wadooyinka iyagoo muujinayay cabashadooda iyo waxyaabaha ku kalifay in ay maanta ku dhawaaqaan shaqa joojin, waxayna la hadlayeen warbaahinta gudaha.

Ujeedka ugu weyn ee ay ganacsatada Boosaaso maanta u xanibeen ganacsigii ayaa aheyd cabasho ay ka qabaan lacago cusub oo sare u kac ku keenay sarrifka lacagaha Qalaad, iyo sara u kaca uu sameeyay doolarka oo noqday mid aan qof kasta awoodin in uu wax ku iibiyo lagana iibsado

Muuqaalka suuqa weyn ee saaka ayaa ahaa mid siweyn uga duwan maalmihii kale, waxaana goobaha ganacsi ahaayeen kuwo xiran oo dadkii ganacsadayaasha ahaana dul taagan yihiin.

Ganacsatada ayaa waxa ay ugu baaqeen Dowladda in ay wax ka qabato sara u kacan ka jira suuqyada, ayna tahay mid dhibaato ku ah suuqa lacagta cusub ee la soo kordhiyay .Qaar ka mid ah Ganacsatada qudaarta ee suuqa weyn ee Boosaaso ayaa sheegtay in qudaarta ay uga iman jirtay koonfurta soomaaliya, islamarkaana doolarku halkaas ka yahay qiime ka jaban P/land marka halkan la keenana aaney is bixineyn

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *