Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Sheikh Shaakir io xubno badan oo ka mid ahaa maamulkiisii ayaa ka baxay Dhuusamareeb gaadheyna garoowe

Madixii Xukumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka baxday Gacanta Laamaha amaanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya ee Magaaladda Dhuusamareeb,waxa uuna gaadhay Magaaladda Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Sheekh Shaakir Cali Xassan oo ka tirsan Hoggaanka Ahlusunna oo ay weheliyaan Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo xildhibaanno ka titsan Baarlamanka Galmudug ayaa maanta oo Khamiis ah gadhay magaalada Garoowe.

Saadaq Sheekh Yuusuf Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sidoo kale ka mid ah Madaxda Ahlusunna ee ka baxday Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug.

Wefdiga uu hoggaaminayo Sheekh Shaakir ayaa abaara 10:00 PM  habeenimo safar dhul ah ugu baxay Dhuusamareeb,iyaga oo ku sii hoyday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo ay arroornimadii hore ee saaka safar dhulka ah kaga sii jarmaadeen sidaasna ay Garowe ku gaareen sida ay sheegeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Tagitaanka Sheekh Shaakir ayaa ku soo beegmay xilli maalmahan uu Garoowe ku suganyahay Hoggaamiyaha guud ee Ahlusunna Macallin Maxamuud Sheekh Xassan islamarkaana la hadal-hayo in uu safar dibadda ah u baxayo inkastoo aan weli la xaqiijin dalka uu tegi doono.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *