Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Sheikh Shariif, Xasan Sheikh iyo C.C.shakuur oo ka hadlay Doorashadii Baydhabo ee maanta

Madaxwayneyaashii Hore ee Soomaaliya Sheikh Sh Axmed iyo Xasan Sheikh  iyo Siyaasiga  Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay Doorashadii maanta ka dhacday Baydhabo oo ay kusoo baxeen Senator Zamzam Ibraahim Cali, Ayaan Aadan C/laahi, Aadan C/naasir Maxamad, Maxamuud Maxamad C/nuur iyo Dr Xuseen Maxamad Daahir oo loo doortay aqalka sare ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan u rajaynayaa xildhibaanada cusub in Alle la garab galo masuuliyadooda, kana yeelo kuwii damiirkoodu uu ku hago danta qaranka.

Waxaan kaloo bogaadinayaa hoggaanka Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo xil iska saaray qoondada haweenka.” Ayuu yidhi C.raxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale waxaa  Doorashada ka haadlay Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif.

“Waxaan ku bogaadinayaa Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya sida ay uga dhabeysey hirgalinta doorashooyinka Qaranka, anigoo hambalyo u diraya Senatarada cusub ee kamid noqonaya Barlamaanka 11aad oo lagu doortay Magaalada Baydhaba.

Waa tallaabooyin dariiqa saxan ee dowladnimada loo qaaday, anigoo Alle uga rajeynaya xildhibaanada cusub ee la doortay inuu la garab galo xilalka culus ee loo igmaday.” Ayuu yidhi Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Xasan Sheikh Maxamuud Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya oo Doorashada Baydhabo ka dhacday ka hadlay ayaa yidhi.

“Hambalyo dhammaan reer Koofur Galbeed shacab & mas’uuliyiinba. Waxaad muujiseen ka go’naanshaha qaadashada kaalinta idinkaga aaddan hirgelinta doorashooyinka.

Senatarrada soo baxay waxaan leeyahay hambalyo, gaar ahaan haweenka guuleystay. Alle ha idiin fududeeyo mas’uuliyadda.” Ayuu yidhi Xasan Sheikh.

Hambalyadda ay Siyaasiyiinta Mucaaridku u direen Xildhibaanada Cusub ayaa ka dhigan inay Duntu ugu Xidhan tahay Xildhibaanka soo baxa ee Codka siinaya, Balse hada aysan waqti iska gelin doonin Xildhibaan hore oo dhacay inay u doodaan.

Kalshaale.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *