Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shil gaari oo ka dhacay meel u dhow magaalada bosaso ayaa dhimasho iyo dhaawac ka soo gaadhey ciidamo ka tirsan p/land

Labo askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa geeriyootay, halka sagaal kalena ay ku dhaawacmeen, markii gaari ay la socdeen uu shil ku galay duleedka magaalada Boosaaso.

Shilka ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Meer-meertada oo ah meel aad u halis ah, inta badan shilalka ka dhacaan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ahaayeen ilaalada Wasiirka Amniga Puntland oo ku sii jeeday Boosaaso, waxaana ciidankan gurmad ahaan ugu socdeen Cabdi Xirsi Qarjab oo shalay ku dhaawacmay shaqaaqo ka dhacday magaalada Boosaaso.

Dhaawacyada askarta ayaa la geeyay isbitaal ku yaala magaalada Boosaaso, waxaana qaar ka mid ah askarta dhaawacyadooda uu yahay mid culus.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *