Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shir balaaran ayaa lagu qabtay magaalada garoowe lagaga hadlayo abaaraha ka Jira puntland

Waxaa maanta ka qabsoomay magaalada garowe kulan balaaran oo looga hadlayo sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa qoysaska ku barakacay abaaraha ku dhuftay deegaanada iyo Gobolada Puntland, Waxaana kaasoo qeyb galay kulankaan Madaxwayne ku xigeenka Puntland ,Guddoomiyaha Baarlamaanka ,Golalaayahsa kala duwan ee Dowlada ,Hay’ado Caalami ah iyo Qaybo ka mid ah ururada bulshada Rayidka ah .

Guddoomiyaha Golaha Waiilada Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa ugu horaynba ka warbixiyay xaalada abaarta ka jirta Puntland, wuxuuna sheegay inay tahay mid adag oo u baahan in gacan iyo kaalmo bini,aadamtinimo loo fidiyo kumanaan qoys oo ay saamaysay abaartu.

Wasiirka Arrimaha Gudaha , Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Puntland Axmed Cismaan Cilmi (Karaash) ayaa ku dhaliilay Hay,addaha iyo Ururada Caalamiga ah gacan ka geysasho la,aanta xaalada ka jirta dalka oo uu ku tilmaamay inay tahay mid aan sinaba indhaha looga qarsan Karin, islamarkaana ay yihiin hay,addaha iyo ururadu kuwo fadhiyo ku leh deegaanada ay ku dhufatay abaartu ee Puntland.

Madaxwayne Kuxigeenka Puntland C/xaakin C/laahi Cumar ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo Kuwa Puntland inay qeybtooda ka qaataan gacan u fidinta kumanaan qoys oo ku barakacay abaaraha ku dhuftay dhulka Puntland, Wuxuuna u sheegay Eng Camay dadka uu fariinta uu u diray inay xilligan ay tahay waqtiyadda ugu fiican ee lala baxo Sadaqada.

Hower Pell oo ah Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Puntland ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan xaalada abaaraha ka jirta deegaanada Puntland, Wuxuuna hoosta ka xariiqay inay doorkooda ka qaadanayaan.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli inta badan laga soo deyrinayo xaalada ka jirta Gobolada Puntland oo la rumaysan yahay inay yihiin dhulka ugu saamaynta balaaran abaaraha ka jira dalka Soomaaliya

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *