Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Shirar is daba socda oo lagu soo gebagebeeyey madaxtooyada puntland

Madaxweynahmadaxtooyada-Puntland.jpg2a puntland Dr cabdiweli Ali Gaas ayaa Madaxtooyada puntland kula shiray Isimo aqoonyahano,Siyaasiyiin hore oo reer puntland ah oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee puntland Mudane Faroole.Isla sidoo kale waxaa madaxtooyada ka dhacay shir aan caadi ahay oo ay yeesheen golaha wasiirada puntland oo uu shir gudoominayey madaxweynuhu lagagana arinsayey sidii laga yeeli lahaa go.aankii dowlada federalku dhowaan gaadhey,ee ku salaysnaa 4.5ka.  Waxaa lasheegayaa in la magacaabay guddi loogu tala galay iney la hadasho wefdiga dhowaan la sugayo iney soo gaadhaan puntland,kana iman doon muqdisho.

Shirarkan oo lagaga tashanayo Go’ aankii ay dowladda federalku dhowaan ku gaadhey in dalka dib loogu celiyo nidaamka ah 4.5  kaasoo ku salaysan qabyaalad in lugu hogaamiyo dalka .

Waxaa laga sugayaa iney dhowaan yimaadaan wufuud balaaran oo isugu jira ururo caalamiya sida UN ,iyo xubno ka socda dowladda federalka ah .Waxaynuna ognahay in baarlamaanka puntland weli shir uga socdo magaalada Garoowe kuwaasoo ka shiraya inay muujiyaa aragtida baarlamaanka puntland ka qabo  go. aankii ay dowladda puntland ay ku diidey go.aankii dhowaan dowladda federelkaayi gaadhey.

si kastaba ha ahaatee shirkarka ka kala socda xarunta baarlamaanka puntland iyo xarunta madaxtooyadaba waxaa dadka reer puntland ka sugayaan iney ka soo baxaan go’aan u cuntama dadka reer puntland

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *