Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shir looga hadlaayey kor uqaadida shaqaalaha puntland oo garoowe ka furmay

shirkan oo ah kii afaraad ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin halka uu marayo Nidaamkii shaqo qorista, Shaqaleysiinta dhallinyarada kasoo Qallin-jabisay Jaamacadaha, Tababarka iyo tayaynta shaqalaha xukuumadda Puntland.

Waxaa shirkan oo ka dhacay Garoowe furay, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga Puntland, Xuseen Cabdi Jaamac isagoo uga mahad-celiyay madaxda gudiyada ee kasoo qayb-galay shirka, isagoo xusay ujeeddada kulankan iyo waxyaalaha u baahan in laga wada-hadlo.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha rayidka ah, Mustafe Siciid Shabac ayaa ka warbixisay nidaamkii shaqo-qorista, wuxuuna sheegay inuu marayo meel wanaagsan, isla markaasna sagaalkii qof ee ugu horreysay oo ku guulaystay inay heelaan fursadahaan shaqo (madax-qaybeedyada shaqaalaha – HR head Units) ay shaqo gali doonaan bisha May ee sannadkan haddii ALLE ogolaado. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in bishan gudaheeda ay qaadi doonaan imtixaankii madax-qaybeedyada iibka (Procurement section heads).

Sidoo kale, Ku-simaha agaasimaha guud ee Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha Puntland Barni Ciise Axmed ahna agaasimaha waaxda shaqaalaha ayaa iyana xusay inay jirto fursad shaqo oo loosoo bandhigayo da’yarta ka qalin-jabisay Jaamacadaha.

Barni ayaa intaas ku dartay in fursadan ay da’yarta siin doonta in ay shaqada ku bartaan, muddo labo sano ah, kaddibna ka mid noqdaan shaqalaha xiligan ka hawl-gala hay’adaha Puntland.

Waxay hadalkiisa raacisay in la tababari doono shaqalaha maamulka Puntland isla markaana wasaaradeedu ku howlan tahay diyaarinta qorshihii Tababarka shaqaalaha, dhawaana ay diri doonto wufuud uu hoggaamin doono Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Axmed, iyagoo tegi doona afar dal oo kala ah; Kenya, Uganda, Tanzania iyo Itoobiya. waxayna ujeedka safarkan ku sheegtay inuu yahay in xiriir lala sameeyo Macaahidda

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *