Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shir looga hadlaayomanhanka waxshada p/land oo ka furmay magaalada garoowe

 

Shirkan oo socon doona mudda laba cisho ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda waxbarashada Puntland iyo Hay’ada waxbarashada Africa, waxaan ka qeyb galaya 40 Qof oo ka kala socda gudoomiya yaasha waxbarashada degmooyinka Puntland iyo kormeerayaasha waxbarashada ee gobolada.

Waxaa furitaankii shirkan ka qeyb galay wasiirka waxbrashada Puntland iyo madaxda hay’ada Waxbarashadda Africa, agaasimaha guud ee wasaaradda iyo xubno ka shaqeeya waxbarashada gudaha.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Maxamed C/qaadir Cusmaan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada qabashada shirkan ay tahay in sidii bahda waxbrashada gobolada Puntland lagala tashado sida ugu haboon ee loo dhaqan gelinkaro manhajka cusub ee ay dhowaan ku dhawaaqday wasaaradu,

Abshir Awyuusuf Ciise Wasiirka waxbrashada Dowladda Puntland ayaa furay shirka isagoo sheegay in uu ku boorinayo wakiiladda waxbarashada gobolada iyo degmooyinka in ay siweyn isugu xilqaakaan dabagalna ku sameeyaan habka uu ku shaqeyn karo muqararka, isagoo intaas ku daray in uu harsanyahay manhajkii dugsiga sare isagana sidan oo kale ay kulan ka yeelan doonaan

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *