Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shir saddex geesooda oo ay ka yeesheen arimaha qaxootiga somaliya,kiiniya qm ayaa laga soo saaray war murtiyeed

Xubnaha ka socda saddexda qaybood ee  dowladaha Soomaaliya,Kenya iyo hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa sheegay in xerada qaxootiga Dhadhaab dadka ku jira ay kala bar dhamaadka sanadka ku laabtaan dalka Soomaaliya.

Dowlada Kenya ayaa ku tilmaantay xerada Dhadhaab inay hoy u tahay ururka Alshabaab iyadoo xerada qaxootiga ay ku jireen illaa iyo shan boqol oo kun oo ruux.

Shirar badan oo dowladda kiiniya ay la yeesheen  dowlada Maraykanka iyo Qaramada Midoobay waxa ay ku cadaadiyeen inaysan si qasaba ah dad ugu celin dalka Soomaaliya oo haatanka soo kabanaya dagaalo kadib tobanaan sano oo dalku ku jirey dowlad la’aan.

Shirkan ay  yeesheen guddiga saddex geesoodka ah ayaa waxa ay sheegeen in xerada Dhadhaab ay hoy u tahay haatan qaxooti gaaraya 326,000 oo ruux tiradaa oo boqol kun oo ruux ka yar tirakoob shan sano kahor la sameeyay, iyadoo la aaminsan yahay in tiro badan oo qaxooti ah ay iskood ugu laabteen dalka Soomaaliya.

War murtiyeed si wadajir ah ay guddiga saddex geesoodka ah soo saareen ayaa lagu sheegay in tirada qaxootiga ee ku nool Dhadhaab ay noqon doonto 150,000 oo ruux dhamaadka sanadkan 2016.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *