Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shirarkii u dhexeeyey reer puntland iyo beesha caalamka

Shirarkii ay wada qaateen Isimada ,siyaasitiinta ,ururada bulshada ee puntland iyo weftigii ka socdey beesha caalamka oo intiisii badneyd  ku dhamaaday is afgaranwaa ,ka dib markii weftiga ka socda caalamka iyo UN ay la yimaadeen codsi ah in puntland aqbasho go ‘aankii madaxweyne Xasan ,horayna ay iygu uGu taageereen .taasi oo ay sheegeen inaanu dib u soo noqon doonin nidaamka 4.5 sanadka 2020 ayna sheegeen iney in caalamku balanqaadayo .

Dadweynaha puntland horay ayey u caddeeyeen  mowqifkooda ku aadan doorashada 2016ka ,iyo inaaney qaadaneyn qorshaha Madaxwyne Xasan ,kaaseyna Isimada puntland, madaxweynhii hore ee puntland Dr faroole  siyaasiyiintii hore ee puntland iyo,ururada bulshaduba qoraal ahaan iyo cod ahaanba uGu gudbiyeen weftigaasi.

Sida uu sheegeen Af hayeenka isimada puntland Garaad Cabdullahi Cali Ciid ,madaxweynihii hore puntland Dr faroole iyo siyaasiyiin kale oo hadashay ka dib shirarkii waxa ay sheegeen inaan puntland mowqifkeedii waxba iska belin ,ayna weftigii u sheegeen in la ilaaliyo heshiisyadii hore loo galay iyo dastuurka dalka loona baahan yahay in lagu dhaqmo ,haddii heshiis kasta oo la galo aan la fulineyn wada shaqayn ka dhexayn karta dowladda federalka ah iyo puntland inaaney jirayn ,.Hadaba dalka somaliya oo aduunka oo dhami u soo gurmadey uu manta noqdo wadan aan amaan ahayn horumar  ka jirin  waxaa keenay madaxweyne xasan iyo xisbigiisa oo wadanka ku mashquuliyey wax iyaga dani uGu jirto maahee inaa wax kale la qaban .

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *