Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Shirka aaya ka talinta somaliya oo Kismaayo ka furmay.

shirka ki2Waxaa manta ka furmay magaalada Kismaayo shirka wada tashiga somalida ,halkaasi oo ay isugu yimaadee dhamaan madaxda dowlad goboleedada ,iyo xubnaha uGu sareeya dowladda federaalka ,xidhibaano iyo dad ka socda ururada bulshada.

Dhamaanba madaxda dowlad goboleedada ayaa ka soo jeediyey hadalo madasha shirku ka socdo, iyagoo ku af gobaasanaya waxaa loo baahan yahay in laysu tanaasulo ,in danta ummada somaliyeedna looga shaqeeyo si wadajira,

Waxaa la yaaba manta waxaa shir gudoominayey shirka wasiirka arimaha gudaha iyadoo ay joogaan madaxweynihii iyo ra’iisal wasaarihii labaduba ,hadaba aan is weydiinee yaa xukuma dalka? .Geba gebadii shirka ayaa madaxweynuhu sheegay in shirku sii socon doono dibna laysugu soo noqon doono.

Waxaa xusid mudan iyadoo ururadii iyo dawladihii shirarkii hore ka soo qayb geli jirey aaney intooda badani shirkan iman,taasi oo lagu sababeeyey inay horumar la’aan ka muujiyeen shirarka somaliyi isugu timaado.Madaxweynaha iyo xulufada ay isku fikirka yihiin iyaga laftoodu waxay u dabaal jog teynayaan In  aan wax go’aan ah oo muhiim ahi ka soo bixin shirkan ayna shir kale ku qabtaan dalka Turkiga bisha saddexaad ee sanadakan ayna caalamka u tusaan inaa soomaliyi go’aan ay isku raacsan yihiin gaari Karin loona daayo goaanka kama dambaysta ah madaxda uGu saraysa dalka oo keliya waa madaxweynaha ,jawaari iyo cumar cabdirashhide iyadoo warar hoosena sheegayaan iney jirto siyaasad ay ku midaysan yihiin saddexdoodu oo ah in qabiil lagu soo doorto baarlamaanka (4.5).

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *