Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shirka khamiislaha ah ee golaha wasiirada dowladda federalka ayaa lagaga hadlayarimo dhowra

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa ee khamiis kasta yeeshaan, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carteh. Shirka ayaa looga dooday qodobo kala duwan, iyadoo warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka iyo howlgallada ay wadaan Ciidamadda Qalabka sida laga dhageystay wasiirka  Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa golaha Wasiirada warbixin ka siiyay xaaladda guud ee amniga dalka, waxana uu si gaar ah u xusay howlgal qorsheysan oo Ciidamadda gaarka ah ee Danab ay ka fuliyeen deegaanka Goobaale oo 80 KM u jira Ballidoogle halkaas oo saldhigyo qarsoodi ah ay ku lahaayeen kooxaha Argagixisada. Wasiirka ayaa tilmaamay in la burburiyey saldhiggaasi isla markaana lagu dilay saraakiil iyo malayshiyaad ka tirsan Argagixisada.

Haddaba maxusin wasiirku dagaalkii dhowaan ka dhacay laanta buur iyo la wariigiddii Magaalada marka.

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa u soo jeediyey Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya in la ansixiyo sharciga Isgaarsiinta oo muhiim u ah isgaarsiinta dalka kaas oo horyaala Golaha Shacabka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *