Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shirka madasha wadatashiga qaran oo ka furmay magaalada baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed, si rasmi ah uga furay shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Agendayaasha  looga doodayo shirkan ayaa waxaa ka mid ah doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan 2016, wakhtiyeynta doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka ,gudoonka baarlamaanka ,doorashada madaxweynaha>Sidoo kale wakhtiga ay ka dhacayso doorashadau magaalooyinka dowlada goboleeda iyo amniga doorashada, saamiga haweenka ee goleyaasha dowladda,sameynta guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in ujeeddada iyo xikmadda ka dambeysa dhismaha Madasha Hoggaamiyeyaasha qaranka ay tahay in la helo nidaam la isla wada oggol yahay, iyadoo laga duulayo mabda’a ah in lagu dhaqaaqo wixii maanta la qaban karo, isla markaana aan gadaal looga laaban hawlaha dib u dhiska siyaasadda Soomaaliya

Waxaa uu intaa ku darey Madaxweynaha in qof kasta oo Soomaaliyeed uu karaamo, xuquuq iyo xushmad ku leeyahay dalka, isla markaana loo baahan yahay in la yareeyo cabsida iyo kalsooni la’aanta laga dhaxley xilliga colaadaha.

“Waxaan doonayaa inaan mar kale shacabka Soomaaliyeed u sheego in caalamku uu garab inaga siin karo dhinacyo badan, balse marka ay timaaddo arrimaha siyaasadda ay tahay mas’uuliyad iyo hawl u taalla Soomaalida oo keliya. Waxaa hubaal ah in kulamada noocaan ah ay abuuri karaan kalsooni dhexdeena ah, mid beesha caalamka ka timaadda iyo in ugu dambeyntii aan dhabbada saarno waddada horumarka iyo nabadda’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in nidaamka federaalka ee Soomaaliya laga dhaqan geliyey uu waddanka u horseeday in taako kasta oo dalka ka mid ah maamul uu ka jiro, taasina ay gacan ka geysaneyso sugidda amniga iyo baahinta xukunka.

Waxaa sidoo kale shirka hadalo ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Shirkan ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah , iyadoo hoggaamiyeyaashana ay muujiyeen rajo ay ka qabaan in natiijooyin wax ku ool ah ay ka soo baxaan.

X1 X2 X3 X4

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *