Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Shirkadda DP-World oo sheegtay inay Jabuuti Mar kale ka guulaystay

Shirkadda ka howl-gasha dekedaha ee DP World, oo laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay ku guuleysatay kiis sharci ah oo ay ka gudbisay dowladda Jabuuti, kaasoo la xiriira khilaafkii maamulka dekedda Doraleh ee u dhaxeeyay labada dhinac.

War-saxaafadeed ay soo saartay DP World ayaa lagu sheegay in koox garsooreyaal ah oo dacwaddan ku dhageysanayay maxkamad fadhigeedu yahay London oo dhageysata dacwadaha caalamiga ah ayaa amar ku siiyay dowladda Jabuuti inay labo bilood gudahood dib ugu soo celiso xuquuqdii iyo faa’iidadii ay shirkadda DP World lahayd, ee uu dhigayay heshiiskii ay labada garab kala saxiixdeen sanadkii 2006-dii, ama in ay bixiso dhammaan khasaarihii galay shirkadda.

DP World ayaa intaas ku dartay in lacag ka badan 1 bilyan oo doolarka Mareykanka ah ay ka khasaartay tan iyo markii ay dowladda Jabuuti kala wareegtay maamu;lka dekedda, sanadkii 2018-kii.

Shirkaddu waxay sheegtay in garsooreyaasha go’aankan soo saaray ay sheegeen in dowladda Jabuuti ay tallaabo sharci darro ah qaadday markii ay si khasab ah shirkadda DP World uga qaaday maamulka dekeddaas, bishii February ee sanadkii 2018-kii.

Dowladda Jabuuti wax war ah kama aysan soo saarin hadalkan kasoo yeeray shirkadda DP World.

Balse Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo bishii June, ee Sanadii 2018-ka wareysi gaar ah siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa ka hadlay dacwadda u dhaxeysa dowladdiisa iyo shirkadda DP World, Wuxuuna  sheegay in Jabuuti ay leedahay saamiyada ugu badan, ayna arkeen shirkadda DP World in aysan ka shaqaynaynin danaha dekedaha Jabuuti, sidaasna ay ula wareegeen maamulka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *