Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shirkadii bandhiga ku samaysay baaritaankii shidaal ee badda somaliya iyo dowlada kiinya oo khilaaf soo kala dhexgalay

Shirkadda Spectrum oo sameysay sahminta shidaalka xeebaha Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay faah-faahin uga bixisay shirkii 7-dii Febraayo ka dhacay London iyo dhulka sahminta lagu sameeyey.

Shirkadda Spectrum waxay sheegtay in shirkii London uu ahaa kaliya mid sare loogu qaaday islamarkaana lagu xayeysiinayey shidaalka la tuhmayo inuu ku jiro Soomaaliya.

Spectrum waxa ay sheegtay in intii uu socday shirka London aan marnaba la xaraashin xirmooyinka la sahmiyey ee shidaalka Soomaaliya.

Spectrum ayaa dhinaca kale sheegtay in dhul-badeedka sahminta shidaal lagu sameeyey xogtiisana lagu soo bandhigay London uu yahay dhul ay si buuxda u leedahay Soomaaliya, islamarkaana aanu ku jirin dhul-badeedka lagu muransan yahay ee kiiskiisa uu yaallo maxkamadda caddaaladda ee ICJ ee magaalada Hague.

Qoraalka shirkadda Spectrum, oo uu ku saxiixnaa madaxweyne ku xigeenka fulinta ee shirkaddaas ee gobollada Africa, Meditareeniyaanka iyo Bariga Dhexe Graham Mayhew ayaa waxaa la socday qariirad muujineysa dhulka xogtiisa lasoo bandhigay, waxaana ka muquan dhul-badeedka Kenya ay ku haysato Soomaaliya ee maxkamadda ICJ ay go’aanka ka gaari doonto. 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *