Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shirkii golaha wasiirada federalka oo Yusuf garaad laysla gartay in laga dhigo safiir

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyey Siyaasadda Qaran ee (Gender), waxaana golaha warbixin ka siisay Wasiirka Haweenka iyo Horrumarinta Xuquuqul Insaanka Sahro Maxamed Cali Samatar oo sheegtay in sharcigani muhiimad gaar ah u leeyahay ilaalinta xuquuqda Haweenka.

Sidoo kale, golaha Wasiirada ayaa ka dooday soo jeedin ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo aheyd in xubnaha kala ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Mudane Cabdiwahaab Macallin Maxamed Xaaji Aadan, Cabdi Aadan Diiriye in loo magacaabo safiiro, dood dheer kadib, golaha Wasiirada ayaa ansixiyay in loo magacaabo Safiiro buuxa.

Ugu danbeyn, Golaha ayaa si weyn u soo dhaweeyey Xeerkii Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu ku meel mariyay hannaanka doorashada dadban ee sannadkan 2016 ka dhacaysa dalka

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *