Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shirkii Isimada somaliyeed oo ka billabmay magaalada qardho

shirShirkii  Isimada somaliyeed ayaa ka furmay Magaalada Qarsho. waxaa ka soo qayb-galay inta badan Hoggaanka dhaqanka Soomaalida oo ka kala yimid dhamaan deegaanada Soomaalid degto. Waxaana ku sugan madasha in ka badan 100 isim halka khadka telefonka ay uga qeyb galayaan isimo kale oo hada ku sugan dalalka dibada.

Shirweynahan oo ah kii ugu horeeyey oo balaaran oo ay isimada Soomaaliyeed si gaar ah u yeeshaan tan iyo intuu dhacay dagaalkii sokeeye ee burburiyey Qarankii Soomaaliya. Waxaana looga hadlayaa nabadeynta iyo walaaleynta bulshada Soomaaliyeed, isku xirnaanta odoyaasha dhaqanka si ay wada jir uga qaybqaataan dib u heshiisiinta ummada Soomaaliyeed.

Shirkan waxaa gogoshiisa dhigey Boqor Burhaan Boqor Muuse, boqorka Beelaha Daarood, waxaana u bishii May 2014 markii loo caleema saarey xilka uu ballan qaadey in uu casumayo Hoggaanka dhaqanka Soomaalida

Shirka waxaa ka soo qayb-galay inta badan Hoggaanka dhaqanka Soomaalida oo ka kala yimid dhamaan deegaanada Soomaalid degto. Waxaana ku sugan madasha in ka badan 100 isim halka khadka telefonka ay uga qeyb galayaan isimo kale oo hada ku sugan dalalka dibada kuwaasoo u soo hambalyeeyey shirka ilaahayna uga baryey inuu guul ku dhamaado.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *