Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shirkii khamiis laha ahaa ee golaha wasiirada somaliya

Golaha wasiirada dowladda federalka somaliya  oo ku shiray magaalada Muqdisho shirkoodii khamiista.shirka maantana waxaa shir gudoominayey Raiisal wasaara ku xigeenka somaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib .Shirkan ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin howlgalada Ciidanka Xoogga dalka ay ka fulinayaan degaano ka tirsan gobolada Sh/dhexe iyo Galgaduud, dhibaatooyinka Roobabka iyo abaaraha weli taagan, go’aanka dowladda Kenya ay ku sheegtay inay xireyso xeryaha Qaxootiyada iyo qodobo kale.

Ugu horeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa golaha faah faahin ka siisay howlgaladii ugu dambeeyey ee ciidanka Xoogga dalka ay ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolada Sh/dhexe iyo Galgaduud, waxaana ay sheegtay in howlgaladu ay isugu jiraan kuwo gaar ah oo ay fulinayaan ciidanka gaarka u tababaran ee Danab iyo howlgalo xoreyn degaano cusub, waxaana si gaar ah ay Wasaaradu u xustay in ciidanka Danab ay beegsadeen goobo la ogaaday inay saldhigyo u yihiin kooxaha Nabadiidka ah ee Al shabaab, lana burburiyay.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday sharciga la dagaalanka Musuq maasuqa, kaasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaalada, waxaana dood dheer kadib, goluhu ansixiyeen Hindise sharciyeedka la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Kulanka golaha ayaa sidoo kale, looga hadlay go’aanka dowladda Kenya ay ku xireyso xeryaha Qaxootiga, waxaana loo xil saaray guddi ka kooban Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda, Qorsheynta iyo Warfaafinta oo soo diyaarin doona baaq ku wajahan dowladda Kenya.

Ugu dambeyntii, Golaha Wasiirada ayaa cod u qaaday in Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Guuleed Xuseen Qaasim loo magacaabo Safiir, waxaana cod caqlabiyad ku ogolaaday Golahaunnamedsas

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *