Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shirkii madasha wadatashiga oo muqdisho ka furmay

saw shir  waxaa si rasmi ah uga furmay guriga looga taliyo somaliya ee magaalada Muqdisho shirkii madasha wadatashiga  qaran.Shirkaasi oo uu shir gudoominaayey Madaxweynaha somaliya Xasan Shiikh Maxamud ,kaasoo ay ka soo qayb galeen Raiisal wasaaraha Cumar Cabdirashiid,Raiisal wasaare ku xigeenka ,Raiisal baarlamaan ku xigeenka labaad,Madaxda dowlad goboleedada,puntland ,jubbaland,koonfur galbeed iyo galmudug.waxaa kaloo shirka goob joog ka xubno ka socda dalalka iyo ururada daneeya arimaha somaliya ,sida wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobey Micheal keating.

Sida la sheegay shirkani wuxuu soconayaa muddo laba maalmood ah,kaasi oo la rabo in go’aan loo dhan yahay  ka soo boxo oo ku salaysan  wadada loo marayo qaabkii loo dooran lahaa baarlamaanka 2016 .Sidoo kale waxaa horay loogu war geliyey madaxda somalida iney go’ aan  soo saaraan inta ka horaysa 28ka bishan oo laga sugay golaha amaanka in go’aankaas la soo gaarsiiyo.

Jawi aan fiicnayn ayuu ku bilowday shirku maanta ka dib markii laga akhriyey go.aan la sheegay  in lagu gaadhey shirkii fashilmay ee  lagu kala tegey 19kii bishan. Magaalada kismaayo,kaasi oo madaxda dowlad goboleedada qaarkood ay sheegeen inaan warkaasi waxba ka jirin.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *