Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shirkii madaxda dalalka igad ayaa lagu soo gebgebeeyey magaalada muqdisho

Shir madaxeedka IGAD oo ay ka soo qeyb galeen Hoggaamiyeyaasha dalalka Kenya, Itoobiya iyo Uganda, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo dalkiisa lagu marti gelinayay uu goob joog ka ahaa.

Ajandaha shirka looga hadlayay ayaa waxaa ka mid ahaa xaalada Soomaaliya, doorashooyinka dhowaan dhici doono iyo xaalada Koofurta Sudan.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD Aamina Mohamed ayaa saxaafada u akhrisay War murtiyeed ka soo baxay oo inta badan lagaga hadalay arimaha somaliya iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

War murtiyeed laga soo saaray shirka ayaa ka koobnaa 22 qodob, iyadoo Madaxda IGAD ay xaqiijiyeen Midnimada Soomaaliya,  madax banaanida, dhuleed iyo xornimada, iyadoo lagu taageeray doorashada dadban ee dhowaan ka dhaceysa dalka.

Sidoo kale Madaxda IGAD ayaa ku baaqay in arrimha Soomaaliya looga dambeeyo dowladda Federaalka, hadii ay ahaan laheyd Xasilinta iyo dib u dhiska.

Madaxda IGAD soo dhoweeyeen shirarkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo sida ay uga go’an tahay in doorasho dalka uga dhacdo.

War murtiyeedka ayaa lagu soo hadal qaaday maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxaana lagu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo gaba gabeeyo dhismaha Maamulkaas

Shirkan ayaa ahaa kii u horeeyay oo lagu qabto Muqdisho, tan iyo markii la aas aasay Ururka IGAD

shirka-wshirka-w1

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *