Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Shirkii u dhexeeyey madaxweynaha somaliya iyo isimada gobolka hiiraan ayaa ku dhamaaday kala qaysanaa isimada dhexdooda ah

Ka dib shirkii u dhexeeyey madaxeynaha ,golaha wasiirada qaarkood iyo isimada gobolka hiiraan oo wakhti dheer qaatay  ayey Isimadu shir gaara galeen si ay iyagu  isu  aqanciyaan dhexdooda shirkaasi oo saacadao socdey ayaa isimada qaarkood fikirkoodii bedeleen.Markii uu soo dhammaaday kulanka duubabka, ayaa waxaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta maamulka gobolka Hiiraan shan ugaas dhaqameed iyo wasiirka arrimaha gudaha Somalia iyo federaalka C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa oo si wadda-jir ah ugu dhawaaqay in leysku afgartay shirka Jowhar, dhawaanna sidda ugu dhaqsiyaha badan u furmi doono.

Dhinaca kale, shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Ugaas Cali Ugaas Xasan iyo Ugaas Cali Ugaas Muxumed Shafeec waxay si wadajir ah u Qaaddaceen go’aanka Ugaasyada kale, iyaga oo sheegay in aysan arintaa ku mideysneyn.

“Kulankeenii saakay annaga iyo Ugaasyada kale is afgarad la’aan ayuu ku soo dhamaaday, maxaa yeellay waxaa ay inoo sheegeen in aan qaadanno go’aanka ah ka qeyb-galka shirka Jowhar, annagana mowqifkeena ayaan u sheegnay, oo ahaa in aan shirkaa ka qeyb-gali doonin, siddaa ayaan ku kala tagnay, go’aankan danbe iyaga ayuu u gaar yahay” ayuu yiri Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Ugaasyada maanta ku dhawaaqay iney ka qaybgelayaan  shirka Jowhar ayaa kala ah Ugaaska beesha Gaaljecel, Ugaas C/raxmaan Ugaas C/llaahi, Wabarka beesha Jajeele Wabar Geedi Wabar Xassan, Wabarka Baadi-cadde Wabar Max’med Wabar Axmed, Ugaas beesha Jidle, Ugaas C/naasir Ugaas Nuur iyo Ugaaska beesha Baajimaal Ugaas C/xakiin Ugaas Maxaad.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *