Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

SICIID DENI “Hargeysa Waxaa Laga Taagay Calanka Buluugga ah, Wax lala Noqday ma jiraan ” Xuska 1-da Luulyo

Xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe, waxaa caawa lagu Qabtay  munaasabad lagu xusayo Sanadguuradii 59aad ee Xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo midawgii gobolada Koonfur iyo Waqooyi ee dalka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni  oo Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Munaasibadda ayaa ku dheeraday Muhiimada ay Bulshada Soomaaliyeed u leedahay Maalintani, Wuxuuna  xusay in Calankii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay laga taagay magaalada Hargeisa.

“Calankii ugu horeeyey ee laga taagey ciid Soomaaliyeed calankaas Buluugga ah buu ahaa,  Hargeysa calanka laga taagey kaas buu ahaa, Dadkii taageyna wali waa ilaalinayaan, calan lala noqday iyo wax la kala qaybinayaa midna ma jiro.” Ayuu yidhi Siciid Deni.

Khudbadiisa xaflada xuska 1 da July  oo  arimo kala duwan uu kaga hadlay Wuxuu ku xusay  Arinta Dastuurka Soomaaliya Wuxuuna yidhi “waxaan la yaabanahay dib u eegista Dastuurka ee mashruuca furan noqotay oo aan waxba dib loo eegayn hadana.”

Madaxweynaha maamulka Puntland Isagoo o ka hadlay doorashooyinka la Filayo ee Galmudug iyo Jubbaland Ayuu yidhi “Xoog wax laguma kala qaado in ay Puntland wax ka bartaan ayaan u rajeyn, DFS waxaan leeyahay dhexdhexaad ku dedaala”.

Kooxda Fanaaniinta waaberi Puntland ayaa munaasabada ku soo bandhigtay heeso lagu waynaynayo maalinta xoriyada Soomaaliya. sidoo kale waxaa khudbado kooban oo lagaga sheekaynayo taariikhda xoriyada ayaa munaasabada laga soo jeediyay.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *