Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Siciid DENI oo Wakhti kale socday Wasiirada Cusub iyo Go’aan kasoo baxay Gudiga Amniga ee Puntland

Madaxwaynaha Cusub ee Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo Awoodi waayey in uu waktigii dastuuriga ahaa ku soo dhiso Xukumadiisa cusub ayaa barlamaanka ka codsaday in ay mudada 15cisho ah u kordhiyaan waxaana Golahu ku aqbaleen cod Aqlabiyad ah codsiga madaxwaynaha .

Dhinaca kale Gudigga Amniga Puntland oo maanta shir jaraaid ku qabtay xarunta wasaarada warfaafinta Puntland ayaa soo saaray awaamiir la xiriirta xagga Amniga gaar ahaan inta ay socoto xaflada caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr Saciid Cabdilaahi Deni, gudiiga oo isugu jira qaar kaa mid ah wasiirada Puntland iyo taliyayaasha Ciidamada Amniga ayaa soo saaray qodoba dhawr ah oo ay ka mid yihiin

1: Inaan la ogolaanayn baabuur Barking looga tago.

2: Inaan la ogolaandoonin ciidan hub wata oo aan hawlgal ku jirin

3: Inaan la ogolaan baabuur bilaa taariko ah.

Xaflada caleema saarka madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto 26 bisha January, waxaana kasoo qaybgali doona Madaxweynaha DFS, Madaxda maamul goboleedyada, madaxdii hore ee DFS iyo xisbiyada Mucaaradka ee dawladda.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *