Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

siyaasi casha axmed cabdalle ayaa ka warantay weerarka ay somaliland ku soo qaaday gobolada hayland iyo sanaag

casha axmedWaxaan la socodsiinayaa umaddaha soomaaliyeed ee jecel nabada iyo dhamaan caalamka intiisa kale inay jabhaddii SNM ay ku soo duushay goboladda Waqooyi Bari halkaas oo ay ka wado xasuuq fara badan.
Muddo dheer baa qorshahani socday oo ay ku soo gurayeen guutooyin ciidan ah dhulka oo isugu jira ajnebi iyo soomaali.
Qorshaha duulaanka SNM waa mid soo taxnaa ilaa iyo biloowgii burburkii dalka Soomaaliya. Jabahu waxay qoranaysey dhalinyaro Oromada u badan oo ka soo qaxay dagaaladii ka socday dalka Ethiopia.waxay Oromadu u raadsadeen waqooyi Galbeed Soomaaliya nolol hase ahaatee waxay gacanta u galeen aragagixiso aan u naxayn.
Dhalintii Oromada ee ku barbaaray Soomaaliya waxaa laga bedelay dhalashadoodii waxayna ka mid noqday qabaa’ilada degan Waqooyi Galbeed.
Marka dhalintan ayaanka daran ee Oromo iyo kuwa kale ee ay shidanayso jabhadu waxay ku ku soo duuleen Goboladda Waqooyi Bari halkaas oo ay ka wadeen dagaal ay barakicinayaan shacabka goboladaas degan . Halkaas oo ay caruurtii iyo haweenkii ku mudaaharaadayey ay rasaas ku fureen ayagoon u kala aabe yeelin.

Hadaba rabshaddahan ay hormuudka ka yihiin Siilaanyio,Ali warancadde, Ahmed Haji Ali,Muse Bihi Col Kaahin,Col Ahmed Mire Said Ali Muse iyo gudoomiyaha degmada Ceerigaabo u fadhaya SNM waa mid u qorshaysnaa muddo dheer oo ay shaqaynayse Jabhadu kuwaas oo gacan saar la leh argagixisadda Soomaalia.

Jabhadan waqooyi galbeed ka asaasan waa hooyga argagixisadda caalamiga ah ee ka dagaalanta soomaaliya. Waxay ku bixiyaan lacago aad u fara badan sidii aan soomaaliya u degteen iyo geeska africaba.
Mid kale ee aan meesha laga saari karin waa oo soo dhoweeyey duulaanka SNM ay ku soo qaaday gobolada Waqooyi Bari waa arintii Gaashaamo ee ciidamada Ethiopia ay ku laayeen dadka shacabka ah ee deganaa magaalada Jamac Dubad iyo tuulooyinka u dhow dhow.
kaas oo ay dusha ka saareen in uu ka ka danbeeyey H.E Abdi mohamud Omar Madaxweynaha DDS kaas oo dalka ka maqanaa marka arintu dhacday. Waxay soomaalidu ku maahmaahdaa (nin Naagtaada rabaa gabadhayda hoo kuma yeelo)
Bal dib u milicsada taariikhda madoow ee SNM ay leedahay.
1. Markii Sayid gumaystaha la dagaalamay waxay soo raaceen cadoowgii Soomaaliyeed halkaas oo ay ku xasuuqeen dadkii oo dhan khaasatan Goboladda Waqooyi Bari
2. Markii dawladii Soomaaliyeed ee Mohamed Siyaad ay la dagaalamayeena way xasuuqeen dadkan
3. Maantana waa tii oo kale waa aarsigii Jamac Dubad warkooduna waa tuug lama helo ee walaalkiis baa la helaa.
Sidaa darteed dagaalka ay muddada dheer humayeen ee ku waajahan dadka khaaska ah waxuu salka ku hayaa kow dal balaadhsiga iyo sir nacayb marka waa in la baadhaa dadka DNA DOODA.
Markii aan aragnay warqadii sirta ahayd ee ka soo baxday Xafiiska Mr. SIILAANYO the head of SNM horaantii bishii Maarso ee 1991.
Waxaa ku cada qorshihii looga safayn lahaa deeganka dadka degan sida Warsengli,dhulbahante,Ciise iyo gudibiirsi oo aan ka mid ahayn Jabhaddan SNM. Run ahaantiina waa fulay qorshaas qaar ka mid ah sida xasuuqii Boorama,Sool Sanaag iyo Degmada Buuhoodle.
Waxay kale oo xasuuqeen umaddii soomaaliyeed ee deganayd Waqooyi oo dhan iyo qaxootigii ku sugnaa kalkaas waxay samyeeyeen xabaalo wadareedo ay markii danbena ku dacwoodeen inay ayaga ka dhinteen.
Sidaa darteed go’aanka SNM waxuu ahaa in la xasuugo dhamaan dadka dhan inta ka soo hadhana dagaal joogto ah lagu hayo si ay u barakacaan iyo horumarka lagala dagaalamo sida dhaqaalaha, caafimaadka, biyaha iyo nabada.
Waa ku guul daraysteen qorshaas 1991 waayo waxay kala kulmeen Waqooyi bari wax iska caabin aan caadi ahayn. Markaas bay qorshe cusub la yimaadeen oo ah soo jiidasho been ah iyo beer laxawsi ah ( nimaad dil nimaad dagi nimaad dabin u qoolays waa laysu kala daadiyaa yaanu kaa didineh) waxaa ka mid ahaa heshiish xabad joogin ah oo been ah is kaashi nabad geliyo waana la kala saxeexday hase ahaatee SNM qorshaha uguma jirin nabadayn ee way gaadayeen 25 sano umadda degan goboladas

Ugu danbayn maantay rabaan inay fuliyaan waxii u suurtoobi waayey hore waxaanse hubaa inaan lagu guulaysan doonin damaca waalan ee jabhadda gooni u goosadka ah

Waa billaahi towfiiq

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *