Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Soomaaliya iyo Cumaan oo gaadhay Heshiis Cusub oo dhinaca Duulimaadka ah

Labada dowladood Soomaaliya iyo Omaan ayaa isku afgartay heshiis ku saabsan in labada dal isku furaan duulimaadyadooda, islamarkaana la hormariyo duulimaadyada rayidka ee labada dowladood.

Maxamed Salaad Oomaar  Wasiirka a Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya   ayaa magaaladda Monterial ee dalka Canada oo uu ka socdo shir ay ka qeyb galayaan 193-da dal ee xubnaha ka  ah ICAO  waxaa uu kula kulmay dhiggiisa dalka Omaan, iyaga oo ka wada  hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sidii la isugu furi lahaa diyaaradaha  labada dal.

“Shir laba geesood ah oo aan la yeelanay saldanadda Omaan  ayaan ku heshiinayin la isu furo diyaaradaha labada waddan la iskana  kaashado horumarinta duulista rayidka labada waddan” ayuu yidhi Wasiirka  Gaadiidka Soomaaliya Oomaar.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in  kulan looga arrinsanayo heshiiskan hor dhaca ah uu ka dhici doono dalka Omaan Bisha October ee sanadkaan 2019 si loo dhameystiro heshiiska.

Soomaaliya ayaa horay waxaa ay heshiis dhinaca duulimaadyada rayidka  ah la gashay wadamo badan oo isugu jira African iyo kuwo kale,waxaana  ka mid ah Uganda, Itoobiya iyo Turkiga, kuwaas oo diyaaradahooda ay  si toos ah u yimaadaan magaalada Muqdisho.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *