Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

taliska ciidanka booliska ee magaalada baydhabo oo awaamiir cusub oo saaray

Kadib markii ay dhowaan kadheceen magaalada Baydhabo falal ammaan xumo ayaa waxaa awaamir dhanka ammaanka ah soo rogey taliska ciidanka booliska gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliy Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Bay Mahad Cabdiraxmaan, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay ineysan u dulqaadan doonin askarta labista caadiga ah wata ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Taliyaha Booliska Bay ayaa waxa uu sheegay iney jiraan askar badan oo wata labis aan aheyn dareeska ciidamada, kuwaasi oo dhibaato u geysta dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Baydhabo.

Dhanka kalena taliyaha ayaa sheegay in shacabka deegaanada gobolka Baay looga baahan yahay iney laamaha amaanka kala shaqeeyaan xaqiijinta dhanka ammaanka guud ahaan dhulka dowlad goboleedka koofur galbeed

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *