Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha oo loo magacaabay nin dhalin yaro ah oo lagu magacaabo koofi

Taliyihii hore ee Nabadsugida Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Koofi ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyada ee dowladda Soomaaliya.

Mr Koofi oo la sheegay in aanu khibrad badan u laheyn xilka loo magacaabay ayaa bedelaya Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo ahaa waayo arag muddo 10-sano xilkaas soo hayay.

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in magacaabida Koofi ay ka dambeysay cabasho beesha uu ka soo jeedo qabtay oo ku aadanaa in aan loo magacaabin xilalka sare ee dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan waxaa uu si rasmi ah xilka Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ugu magacaabay Jen. C/llaahi Gaafow oo bishii la soo dhaafay xilkan si KMG ahaan loogu magacaabay, markii xilka laga qaaday Jen. C/raxmaan Tuur Yare.

Maxamed Aadan Koofi oo ah nin dhalinyaro ah ayaa horay u ahaa Madaxii Ilaalada Madaxtooyada, sidoo kale sanadkii 2014 ayaa loo magacaabay xilka Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir, hase ahaatee sanad kadib waa laga qaaday xilkaas

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *