taliyihii guud ee qaybaha booliska gobolka banaadir oo iscasilay
|Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir,
Janaraalka oo saaka la hadlayay Idaacada Kulmiye sheegay inuu aanay jirin cid ku qasabtay inuu xilka ka tago, isla markaana uusan cidna dacwo ka aheyn.
“Waxaa idin cadeynayaa inaan ka tagay shaqadii Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, ma jirto cid igu qasabtay, mana jirto qof aan dacwo ka ahay”ayuu yiri Cali Gaab.
Waxaa uu sheegay inuu isaga go’aansaday inuu xilkaas isaga tago, waxaana uu xusay inuu diyaar u yahay inuu laamaha ammaanka dowladda ku gacan siiyo sugida nabadgelyada.
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sanadkii hore u magacaabay Cali Gaab Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.
Mr Cali Gaab ayaa horay u soo qabtay xilal ciidan, waxaana markii ugu dambeeyay uu ahaa Taliyaha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka ee Taraafiko.