Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

taliyihii hore ee ciidanka badda oo sheegay inaan aduunku diyaar u ahayn iney dhisaan ciidamada ilaalada xeebaha somaliyeed

Taliyihii hore ee ciidamad Badda Soomaaliya, Admiral Faarax Axmed  ayaa sheegay in Waddammo fara badan ay si sharci-darro ah Badda Soomaaliya uga kalluumeystaan,Horay madaxweynaha p/l ayaa sheegay in kaluunka caalamku ka xadayo baddaha somaliya ay tahay masiibo qaran .aduunkuna aanu diyaar u ahayn iney inaga caawiyaan sidii loo ilaalin lahaa xeebaha somali.  taasina ay tahay waxa hortaagan in la dhiso ciidamada ilaalinta xeebaha .

Faarax Qare ayaa xusay in waddamada kalluumeysiga sharci-darrada ah xilligaan kawada badaha Soomaaliya, isagoo sheegay in caalamka looga baahnaa inay ugu soo gurmadaan arrintaan ka hor-taggeeda sidii ay ugu soo gurmadeen dagaalladii ka dhanka ahaa Burcad-badeedda.

Waxaase layaaba wadamad ma ogola in la dhiso ciidamad Badda Soomaaliya, sidaa la socotaan wali cunno-qabateynta hubka ayaa dalkeenna saaran, hub ma soo gadan karno, ma soo iibsan kano maraakiib, sidoo kale ma hayno dad lah aqoontii diyaarad ama markab lagu wadi lahaa,” ayuu yiri Faarax Qare oo haatan ah agaasimaha hay’adda badaha Soomaaliya.

Admiral Qare ayaa intaas ku daray. “Waddamo fara badan ayaa Baddeena ku jira oo kalluunkeena guranaya, maanta haddii burcad-badeedka la waayay, burcad-kalluun ayaan haynaa, kuwaas ayaana in wax laga qabto loo baahan yahay.”

Sidoo kale, Faarax Qare wuxuu sheegay in haddii ciidamada badda la xoojin lahaa, qalabka loogu deeqi lahaa ay taasio keeni lahayd in kalluumeysiga sharci-darrada ah uu yaraado, isla markaana markabkii aan waddan wax shati ah gacanta lagu soo dhigi lahaa.

Ugu dambeyn, Hay’ad ka faalloota Kalluumeysiga Nabdoon ayaa warbixin ay horay u soo saartay ku sheegtay in kalluumeysiga sharci=darrada ah ah Badda Somalia Sannadkii laga helo Malaayiin Doollar.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *