Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

jubbaland oo Yeelatay Gudoomiye Baarlamaan iyo Qaabka ay wax u dhaceen

Xildhibaanada Baarlamanka Jubbaland ayaa maanta doortay Gudoomiye cusub oo hogaamin doona afarta sano ee soo socota ka dib codbixin ka dhacday Magaalada Kismaayo,  Waxaana isku soo taagay taagay Labo Musharax oo kala ah Sheekh Cabdi Maxamed iyo Xuseen Shiinow.

Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa noqday guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ka dib markii uu helay 55 cod halka musharaxa la tartamayey uu helay 18 cod oo kaliya.

Xuseen Shiinow oo ah musharaxa laga guuleystay ayaa u hambalyeeyey Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa noqday guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland, isagoo sheegay inuu ku qancay qaabka looga guuleystay.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamanka Jubbaland ayaa waxaa loo doortay Aadan Khaliif Xaaji iyadoo guddoomiye ku xigeenka labaad loo doortay Cabdi Baalley Cismaan, ma jirin cid tartantay labadoodaba waxaa loogu codeeyey gacan taag.

In Gacan taag wax lagu doorto Doorashada Madaxwayne ee Jubbaland, ayaa waxay Halis ku noqon doontaa Xildhibaanada, Maadaama aysan ahayn Cod bixintu mid Qarsoodi ah.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com


<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 10)

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *