Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ugaas xasan oo lagu cidleeyey magaalada beledweyne ,yaa leh masuuliyadda?

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa qiray inuu kaligiis ka soo haray Odayaashii reer Hiiraan ee fadhigooda ahaa magaalada Beledweyn, kaddib markii todobaadkan odayaashii kale ee ku mowqifka ahaa ay ku biireen Shirka Jowhar.oday dhaqamadeedii kale waxay ogaadeen iney laf cad toobin ku nuugayaa.(hiiraan laba gobol)

Ugaaska oo ah nin mayal adag ayaa sheegay in 8-dii oday dhaqameed ee ay ku joogeen magaalada Beledweyn la kala fur furay, todobo ka mid ahna ay ka tageen.

“Meeshaan waxaa ku fadhi jirnay sideed oday, todobadii kale waa tagtay, anaa ka jooga, intii kale aaway, waa su’aal u baahan inaa is weydiisaan, maxaa dhacay, sidee loo kala fur furay, yaa ka shaqeeyay, ma taqaaniin cida ka shaqeysay, hadaad reer Hiiraan tihiin wixii in la fur furo oo saan la yeelo yaa ka dambeeyay”ayuu weydiiyay Ugaas Xasan dadweyne uu kula hadlayay Beledweyn, iyagoo ugu jawaabay “Xasan Sheekh”, balse Ugaaska ayaa sheegay in aanu Xasan Sheekh ka dambeyn, oo ay mas’uul ku ahaayeen shaqaale hoose sida uu yiri.

“In sidaan naloo kala fur furo Xasan Sheekh kama dambeyn, shaqaale hoose ayaa jira, waxaa ka shaqeeyay dad ku nool Hiiraan oo caanaha reer Hiiraan caba, Hilibka Hiiraan cunno, ayaa ka dambeeyay”ayuu yiri Ugaas Xasan oo aan si toos farta ugu fiiqin cida ka dambeysay kala fur furida odayaashii isaga ku mowqifka aheyd.

Ugaaska ayaa horay u qaadacay shirka Jowhar, waxaana uu sheegay inay sameysanayaan maamul u gaar ah Hiiraan, balse waxaa muuqata in Ugaaska meel cidla ah uu soo istaagay, isla markaana odayaashii kale ee la safneyd si lama filaan ah garbihiisa uga baxeen.

Ciidamada ammaanka ayaa maalin ka hor kala eryay goob ay ku shirayeen siyaasiyiin iyo dad kale oo ku sugnaa Beledweyn, kuwaasoo ku howlanaa sameynta maamul goboleed u gaar ah Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo dhowaan ka soo hor-jeestay shirka Jowhar, ayaa si lama filaan ah isu bedelay, isagoo sheegay in aanay ogolaan doonin shirarka ka socda magaalada Beledweyn ee la doonayo in maamul lagu sameeyo.

jowhar.

 

 

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *