Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ugaaska magaalada beledweyne ayaa sheegay inaaney waxba iska bedelin mowqifkii ayka taagnaayeen maamul samaynta labada gobol

Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Beledweyn waxay kaga soo hor-jeesteen shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo  la filayo inuu dib uga furmo magaalada Jowhar.odayada dhaqanka Hiiraan ayaa ka digay in la socodsiiyo shirka Jowhar, iyagoo xusay in arrintaas ay meel xun gaari doonto, waxaana ay ugu baaqeen IGAD inay faraha kala baxaa ayna xaq u leeyihiin gobolkastaba dadka ku nooli iney aayahooda ka tashadaan.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo bishii hore lagu caleema saaray magaalada Beledweyn ayaa si kulul u weeraray Wakiilka Urur Goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afey.

 

Ugaaska ayaa yiri hadalka Afey ee ah layskuma raacsana arrintaas waa waxba kama jiraan, waxaa ka xumahay in Mudane Afey uu kala garan waayo xaafadda Islii iyo Hiiraan, waxaa la rabaa in dib loo soo nooleeyo dagaal qabiil, waana uga digeynaa arrintaas beesha Caalamka.

Ugaaska oo ah nin mayal adag ayaa mar kale ku celiyay diidmadiisa shirka Jowhar, isagoo ugu baaqay Beesha Caalamka in aanay qarash ku bixin shirka, isla markaasna wuxuu uGu baaqay Rasiisal wasaare ku xigeenku inuu iska ururiyo howshan maadaama aanu koonfur waba ka aqoonin.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *