Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada boosaaso

Ugu yaraan siddeed qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ee maamul goboleedka Puntland.

Qaraxa oo sida la sheegay ka dhacay afaafka hore ee maxkamadda darajada koowaad ayaa dadka ku dhaawacmay waxa ay u badan yihiin dad rayid ah, waxase sidoo kale ku jira ilaalada maxkamaddaasi.

Wararka ay BBC-du heshay ayaa sheegaya in qaraxaasi loo maleynayo in uu ahaa bambo gacmeed balse ilaa haatan arrintaasi lama xaqiijin.

Sidoo kale mas’uuliyiinta Puntland wali kama aysan hadlin qaraxaasi iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Qaraxan ayaa ku soo beegmayo ku dhawaad bil uun markii duqeyn lagu beegsaday saraaakiil sare oo ka tirsan kooxda la baxday Dawladda Islaamka ee Daacish ee ka hawlgasha qeybo ka mid ah Puntland.

Duqeyntaasi ayaa ayaa la sheegay in lagu dilay laba xubnood oo uu ka mid ahaa Cabdixakiin Qudhub oo Daacish xil sare ka hayey iyo qof kale oo la saarnaa gaariga la duqeeyey.

Horraantii bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafay ayay koox gacansaar la leh kooxda la baxday Dawladda Islaamka waxa ay sheegatay mas’uuliyadda dilka muwaadiniin u dhashay dalka Itoobiya oo xilli habeen ah lagu dilay xaafad u dhow dekadda magaaladaasi Boosaaso.

Dhammadkii bishii Sebteembar ee isla sanadkii la soo dhaafay ayaa sidoo kale magaaladaasi Boosaaso lagu dilay askar ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Al-Shabaab iyo kooxda la baxday dawladda Islaamiga oo iyaga qudhooda ay xurguf ka dhaxayso ayaa labaduba dilal ka fuliya gudaha magaalada Boosaaso.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *