Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

urkiga , QM iyo Midowga Yurub oo Taageeray Go’aankii Madaxwayne Farmaajo iyo Baarlamaanka Somalia

Qoraallo ka soo kala baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya,  Midowga Yurub iyo dowladda Turkiga ayaa lagu soo dhaweeyey go’aankii ay maanta xildhibaanada golaha shacabka ku laaleen mudo kororsigii labada sano ahaa, isla markaana ay ku ogolaadeen in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September.

Ugu horeyn qoraalka QM ayaa lagu yiri, “Qaramada Midoobey waxay soo dhaweyneysaa go’aanka Baarlamanka Federaalka dib ugu soo celiyey heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, kadib codsigii madaxweye. Waxaan ugu baaqaynaa hogaamiyaasha Soomaalida inay ku noqdaan wadahadalka oo ay diyaariyaan doorashooyinka, iyadoo aan dib loo dhigin, waxay kaloo QM soo dhaweynaysaa doorka doorashada hogaaminta ee ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.”

Sodoo kale qoraal kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa lagu soo dhaweeyey go’aanka xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay qaateen.

“Waxaan soo dhoweyneynaa go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu maanta (1-da Maajo) qaatay, kaas oo ayidsan yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashada iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii Sebtember,” ayaa lagu yiri qoraalka Turkiga.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan rajeyneynaa in horumarkan uu u adeegi doono dib u bilaabida wadahadalada wax ku oolka ah ee daneeyayaasha siyaasada, dib u dhac la’aan iyo in la xaqiijiyo horumarka ku saleysan is afgaradka bulshada, iyadoo laga gudbayo khilaafaadka.”

Ugu dambeyntii dowladda Turkiga ayaa qoraalkan ku shaacisay in marxaladan adag ay ku garab taagantahay ‘dadka saaxiibtinimada iyo walaaltinimada leh ee Soomaaliyeed.’

Sidoo kale, danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa soo dhoweeyey go’aanka baarlamanka iyo Farmaajo, wuxuuna ka digay cudurdaar dambe oo kale.

“Midowga Yurub wuxuu soo dhoweynayaa go’aanka Golaha Shacabka iyo dhawaaqa madaxweyne Farmaajo. Hadda kadib ma jirto wuxu shuruudo horudhac ah, wax qas-wadeyn ah, wax rabshado ah. Rooble inuu isku halleeyaa taageerada wax ku oolka ah ee dhammaan madax goboleedyada iyo jilayaasha kale ee Soomaaliya, si uu u hoggaamiyo hanaan ay Soomaalida ay hoggaamineyso,” ayuu yiri Berlanga.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *