Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ururka alshabaab oo sheegtay weerar lagu qaaday huteel ku yaala magaalada nayroobi iyo madaxweyne xaaf oo ka badbaadey weerarkaasi

Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Laba Qarax xoog leh laga maqlay deegaanka ku yaal Westland gaar ahaan Dusit Hotel.taasoo sida la sheegay ay afar nin oo hubaysan galeen gudaha huteelka qaraxa ka dib.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in rasaas xoog leh laga maqlayo halkaa iyadoo aan la ogeyn cida is rasaaseynaysa.

Gaadiid gaaraya saddex ayaa wararka sheegayaan in la arkayo iyagoo gubanaya waxayna dhismayaasha ku yaal halkaa ay sheegeen in dad aysan aqoon ay soo weerareen.

“Qarax ayaa billowday, kadibna waxaa xigay rasaas xooggan. Rasaasta ayaa hadda socota ” waxaa sidaas yiri qof ku sugan dhismaha rasaasta laga maqlayo.

Wararku waxay intaa ku darayaan in madaxweynaha galmudug mudane xaaf oo deganaa huteelkaas uu ka badbaadey weerarkaasi .

Ciidamo fara badan ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, mana cadda ilaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *