Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ururka igad iyo dowladda federalka ayaa dhexdhexaadinaya maamulka koonfur galbeed iyo maamulka bakool sare

Wafdi ka socda Urur goboleedka IGAD oo shalay gaaray degmada Ceel Barde ee Gobolka Bakool ayaa waxaa uu dhex dhexaadin ka dhex bilaabay Maamulka Koofur Galbeed iyo Siyaasiyiin dhowaan maamul uga dhawaaqay Ceel Barde.

Mas’uuliyiinta gaaray Ceel Barde ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Maxamed Jaamac Mursal oo ka soo jeeda deegaanka, sidoo kale waxaa wafdiga ka mid ahaa Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya, saraakiil iyo siyaasiyiin kale.

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Maxamed Jaamac Mursal ayaa ammaanay amniga deegaanka, waxaana ay u kuur galayaan xaalada amni iyo mida nololeed ee deegaanada hoos taga Ceel Barde sida Yeed iyo Caato.

Danjiraha IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah ay u tahay in wada hadal lagu dhameyo khilaafka u dhexeeya bulshada iyo siyaasiyiinta Ceel Barde iyo Maamulka Koofur Galbeed.

Mr Afey ayaa sheegay in IGAD ay fududeyneyso wada hadal dhex mara siyaasiyiinta deegaanka Ceelbarde iyo dowlad gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Siyaasiyiinta Ceel Barde ayaa bishii Janaayo ee sanadkan ku dhawaaqay maamul la magac baxay Bakool Sare, kaasoo ka dhan ahaa Maamulka Koofur Galbeed, waxaana hor-boodayay maamulkan siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay Xukuumadihii dalka soo maray.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *