Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

WAA MAXAY SABABTA AY JUBBALAND U OGOLAATAY SHIRKA MADASHA WADATASHIGA

Waxaynu ognahay in shirkii lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Madasha wadatashiga qaranka,ee ay isugu yimaadeen maamul goboleedada iyo madasha qaybaheeda kala duwan .Shirkaasi oo lagaga hadlayey qaabka  doorashada loo qaban karo sanadka 2016ka,bishii laba iyo tobaad ee sanadka 2015ka inaan go’aan kasoo bixin.

Sidoo kale waxaa shiarar wada tashiya lagu qabtay magaalooyin ka mid ah dowlad goboleedada iyo magaalada Muqdisho,shirar kaasi oo ay dadku ku muujiyeen  sida ay jecel yihiin in doorashada loo qabto.Waxaynu ognahay dadka reer puntland iyo jubbaland in ay  doorteen in baarlamaanka lagu soo doorto qaab deegaan halka Galmudug iyo Koonfur galbeed doorteen qaab qabiil oo ku salaysan 4.5.Ka dib  Shirkaasi Muqdisho laysugu tegey ee ku dhamaaday   go.aan la’aanta .Waxaa laysku raacay in lagu kulmo magaalad kismaayo bish koowaad tobankeeda (10/1/2016)lagau gaaro.go’aanka kama dambeysta ah ee mushtaqbalka dadka somaliyeed halkaasi

Maamulo badan ayaa diidey inay shirkaasi marti geliyaa,waxaase isweydiinle .MAXAY JUBBALAAND U OGOLAATAY INEY SHIRKA MARTI GELISO,MAXAYSE FAA IIDO KA HELEYSAA?

waxaynu og nahay in shikasi ay ka soo qayb gelayaan dowlado badan oo ah kuwa daneeya arimaha soomaalida

U N ,A U,jaamacadaa carabta ururka IGAD,iyo hay-yado badan oo caalami ah ,ka sokow dowlad goboleeda kale iyo dawladda federalka ah. In badan ayey ku cabatay jubbaland inaan caawimada aduunku siiyo soomaaliya aaney waxba ka soo gaarin ,shirkana ay rabto inay  caalamka u muujiso iney meel  muhiima kaga jirto dowlad goboleeda soomaaliya,tahayna maamul si dhab ah u shaqeeya shacabkiisuna ku kalsoon yahay,cid kasta oo maal gashi ku samaysaneysa jubbalaandna ay ku kal soonaan karto inay maalkooda gashadaan jubbaland,sidoo kalena ay u soo bandhigto dowladaha iyo ururada imanaya shirka baahiyaha ka jira jubbaland una baahan in caalamku ka caawiyo.

waxaa kaloo xusid mudan in shr kasta oo magaalada Muqdisho lagu qabtay lagagana hadlaayo arimaha soomaaliya aan  go.aamo  wax ku ool ahi ka soo bixin,marka loo eego kuwii lagu qabtay magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo aasaaskana u noqday in dadka soomaaliyeed kaga baxaan Dowladihii ku meelgaarka ahaa,kuna dhistaan Dowlad federal ah oo caalamka la jaanqaadi karta. Sidaa dartee ayaa jubbaland door biday inay taariikhda soomaaliya meel wanaagsan ka gasho maadaama lagu qabanaayo shirka la rabo in soomaaliya mustaqbalkeeda  siyaasadeed go’aan lagaga gaaro wadada ay raacayso wixii ka dambeeya 2016ka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *