Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Wafdi ka socda DF-Somalia oo Shir Muhiim ah uga Qayb galay Itoobiya iyo Dr. Bayle oo ka hadlay

Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeyb-galay shir looga hadlayo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhameystirka hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaa magaalada Adis Ababa inooga furmay Shirk IMF iyo Dowladda Soomaaliya oo aan uga wada hada hadleyno horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, dhameystirka hanaanka deyn cafinta iyo ka wada tashiga hiigsiga sanadaha soo socda.

Dowladda Soomaliya hada waxa ay taagantahay meel Aduunku wada ogyahay oo ah in dhabihii guusha aan ku socono. “ Ayuu yidhi Wasiir Bayle oo ka Warbixiyey Kulanka.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kele Masuuliyiinta Dawladda Soomaaliya ee ka Qayb galaysa kamid ahaa Gudoomiyaha Cusub ee Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

R/wasaare xasan Cali Khayre ayaa dhowaan dalka Maraykanka uga Qayb galay Shirar muhiim ah, kuwaasi oo diirada lagu saaray Barnaamijka dayn Cafinta ee Soomaaliya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *