Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Waftiga Gudoomiyaha Barlamanka Puntland oo Maanta Qada sharafeed loogu sameeyey Xarunta labada Aqal ee Barlamanka Nigeria

Waftiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa Maanta Qada sharafeed (Business lunch) loogu sameeyey Xarunta labada Aqal ee Baarlamaanka Nigeria.

Qadada ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka (The General Clerk), Kuxigeenkiisa (Deputy Clerk) Agaasime waaxeedyada Labada Aqal iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Shaqaalaha labada Aqal iyo Machadka Nills.
Mid ka mid ah Agaasime waaxeedyada Golaha Shacabka ayaa Gudoomiyaha ku wareejiyey buugaag badan oo uu qoray oo ka hadlaysa Xeer-dajinta iyo Maamulka Baarlamaanada.

Ku-xigeenka Xoghayaha guud iyo Agaasime waaxeedyada ayaa iyaguna warbixin buuxda waftiga ka siiyey Qeybta Maamulka ee Labada aqal oo runtii uusan baarlamaan shaqadiisa gudan karin shaqaale xirfadlayaal ah la’aantood.

Daawo sawirrada
1

2

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *