Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wakiilka midowga yurub u qaabilsan somaliya oo ka hadlay sababta ay u dhimeen lacagtey siin jireen amison

Wakiilka Ururka Midowga Yurub ee Arrimaha Somalia Michele Cervone D’Urso, ayaa ka hadlay sababaha ay 20% uga dhimeen Mushaaraadkii ay siin jireen ciidamada Midowga Afrika ee ka hawl-gala Soomaaliya [AMISOM]. Danjire Michele Cervone ayaa xusay in horay ugu wargeliyeen taliska AMISOM inay dhimayaan mushaarka ay qaataan ciidamada AMISOM, isagoo intaas ku daray inay in lacagaha ay ku taageeraan ciidamada AMISOM ay meelo kale u weecinayaan. Sidoo kale, Wakiilka oo la hadlayay Wargeyska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay inay Midowga Yurub uu yahay taageeraha ugu weyn AMISOM, ayna sannad walba ku bixiyaan hawl-galka 200-milyan oo doollarka Mareykanka ah. Wakiilka oo sii hadlayay, ayaa wuxuu intaas ku daray inay muhiim tahay in la dhiso ciidamada millateriga Somalia, isagoo ka digay inaan si qaldan loo fasirin sababaha ay u dhimeen mushaarkii ciidamada amison

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *