Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Wakiilka Qaramada Midoobay oo war kasoo saaray kulankii Beesha Caalmaka iyo madaxda dawlad Goboleedyada

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa war kasoo saaray kulankii Beesha Caalmaka iyo madaxda dawlad Goboleedyada. Qoraal kooban la soo dhigay barta facebook ee ay ku leedahay ayaa lagu yiri inuu ku faraxsan yahay ka qaybgalka kulankaas.

Hoos ka akjhriso qoraalka

“Waxaan ku faraxsanahay in la igu casuumay kulan ay igu wehliyeen saaxiibbada kale ee caalamiga ah si aan wada-hadal ula yeelanno shanta hoggaamiye ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka.
Waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka wadajirka ah ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka si loo helo tanaasul, isla markaana kulanka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa heer gobol uu horay ugu sii socdo dhanka doorashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Sebteembar”- ayuu yiri wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, kaddib kulankii maanta.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *