Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Wakiilka qm u qaabilsan somaliya oo shirar kula leh magaalada gaalkacayo madax iyo waxgarad kala duwan

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. Micheal Keatin ayaa maanta mar kale dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo, halkaasoo ay ka socdaan wada hadalo lagu dhameynayo colaada Gaalkacyo.

Dib ugu laabashada Keating ayaa ka dambeysay kaddib markii uu soo baxay is mari waa ka dhashay qaabka loo fulinayo heshiiskii xabad joojinta ee ay gaareen Puntland iyo Galmudug.

Guddiyada Puntland iyo Galmudug u xil saareen ka shaqeynta dhaqan gelinta heshiiska ayaa waxaa soo kala dhex galay is faham waa la xiriira qaabka loo fulinayo heshiiska.

Ra’iisul Wasaare Cumar oo tan iyo Sabtidii ku sugnaa Gaalkacyo, markii Madaxda Puntland iyo Galmudug ay kulmeen ayaa dadaal ugu jira sidii xal waara looga gaari lahaa colaada Gaalkacyo.

Cumar C/rashiid iyo Ergeyga Keating ayaa kulamo gaar gaar la lahaa Madaxda Puntland, Galmudug iyo Odayaasha labada dhinac

Kulamadan oo ay albaabada u laabnaayeen ayaa goor dhow soo dhamaaday, waxaana si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha ka soo baxay.

Waxyaabaha la isku hayo ee wali loo fulin la’yahay heshiiska ayaa waxaa ka mid ah in Galmudug ay dalbaneyso in ciidamada la kala qaado, lana joojiyo maxjarka laga dhisayo galbeedka Gaalkacyo, halka Puntland ay dooneyso in xabada la joojiyo, isla markaana inta xabad joojinta la dhaqan geliyo aanay ciidankooda dib ugu laabaneyn xeryahooda.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlay halka ay isku hor-fadhiyaan ciidamada, taasoo mar kale mugdi ku keentay heshiiskii la gaaray.

Sidoo kale Odayaasha dhaqanka labada dhinac ayaa iyana soo jeediyay in talada loo daayo odayaasha, maadaama dhowr jeer oo siyaasiyiinta ay gaareen heshiis uu dhaqan geli waayay.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *